
PRP Therapy vs Hair Transplant – Kee Ayaa Kugu Habboon Adiga?
Hordhac Dad badan oo ka cabanaya timo-daadasho ama timaha oo khafiifa waxay maqlaan laba xal oo caan ah: PRP (Platelet-Rich Plasma) therapy iyo Hair Transplant (FUE).
Laakiin su’aasha muhiimka ayaa ah: kee ayaa kugu habboon adiga? Qormadan waxaan ku falanqayn doonna farqiga u dhexeeya labada hab si adiga oo xog-ogaal ah aad go'aan u gaadho.
Maxay Tahay PRP Therapy? PRP waa daaweyn dabiici ah oo dhiiggaaga laga soo saarayo unugyada (platelets) hodanka ku ah hormoonnada kiciya koritaanka timaha. dhiigga ayaa timaha lagu mudaa si ay xididdada timahu u xoogaystaan oo timaha daciifay dib u koraan. wuxuu Ku habboon yahay PRP gu dadka Ku jira marxalad hore ee timo-daadashada ama kuwa Leh timo khafiif ah oo wali ay xididadu jiraan (xididada aan weli dhiman).
Cidda uu ku habboonyahay PRP gu waa Qofka Rab xal dabiici ah oo aan qalliinka ahayn. Faa’iidooyinka laga helo PRPgu Dabiici ah, dhiiggaaga ayaa dib loo adeegsadaa. Waa Ammaan, wax kiimiko ah laguma daro.
Maxay Tahay Hair Transplant (FUE)? Qalliinka FUE waa hab casri ah oo timaha caafimaadka qaba laga soo qaado qadaadka madaxa, kadibna lagu beero meelaha bannaan ee hore. Timaha la beeray waa kuwo dabiici ah, mar labaadna ma daataan. Waxay Ku habboonyihiin dadka Timaha hore gebi ahaanba ka madhaan(bidaarta leh) Una baahan xal waara oo muuqaalka si buuxda u beddela. Cidkasta oo Rabta timo cusub oo aan mar kale go'ayn.
Qodob | PRP Therapy | Hair Transplant (FUE) |
---|---|---|
Habka | Dhiiggaaga dib loo isticmaalo | Timo cusub ayaa la beerayaa |
Ku habboon | Timo khafiif ah, marxalad hore | Meelo timaha gebi ahaan ka madhan |
Nasasho | Degdeg (maalin gudaheed) | 1–3 maalmood bogsasho |
Natiijo | Koritaan tartiib ah | Xal joogto ah |
Qiime | Ka jaban qalliinka | Maalgashi waara |
Gunaanad Haddii timahaaga ay weli jiraan laakiin khafiifayaan, PRP ayaa kugu habboon. Haddii meelo ballaadhan oo madaxa ah ay bannaan yihiin, Hair Transplant (FUE) ayaa ah xalka ugu habboon. Galata Hair Clinic waxay bixisaa labada adeegba – PRP iyo FUE – iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah iyo dhakhaatiir khibrad leh. La xidhiidh maanta si aad u hesho la-talin bilaash ah oo lagu go’aamiyo xalka kugu habboon adiga.