
Maxaa Sababa Timo-Daadashada? – 7 Arrimood ee Ugu Waaweyn
Timo-daadashadu waa arrin caadi ah oo ku dhacda rag iyo dumar labadaba. Qaar badan waxay bilaabataa da’da 20–30, halka qaar kalena ay ku timaaddo marka ay gaadhaan 40jir iyo wixii ka dambeeya. Waxaa jira sababo badan, laakiin halkan waxaan kuugu sheegi doonna kuwa ugu badan ee ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen.
1️⃣ Hormoonnada (DHT)
Sababta ugu badan ee timo-daadashada raggu waa hormoon la yidhaahdo DHT (Dihydrotestosterone).
-
DHT wuxuu daciifiyaa xididdada timaha.
-
Timuhu waxay noqdaan kuwo dhuuban, gaaban, ugu dambayntiina way daataan.
-
Waxaa badanaa lagu arkaa ragga, waxaana la yidhaahdaa male pattern baldness.
2️⃣ Hiddo-Sidaha (Genetics)
Haddii qoyskiina ay ku badan tahay timo-daadashadu, waxaa jirta filasho wayn oo ah in adigana ay timuhu kaa daadan karaan.
-
Hiddaha ayaa go’aamiya inta ay sii socon doonto daadashadu.
-
Dumarka sidoo kale way ku dhacdaa, inkasta oo aysan si buuxda u daadan timuhu sida ragga.
3️⃣ Cadaadis & Walbahaar (Stress)
Walbahaarka iyo cadaadiska joogtada ahi waxuu sababaa xaalad la yidhaahdo Telogen Effluvium.
-
Timaha ayaa si lama filaan ah u daadanaya, gaar ahaan xilliyada walbahaarka xooggani jiro.
-
Inta badan way soo noqon karaan haddii walbahaarku yaraado.
4️⃣ Nafaqo La’aan
Timuhu waxay u baahan yihiin nafaqo joogto ah. Marka jidhku waayo nafaqooyinka muhiimka ah, timuhu way daciifaan.
-
Nafaqooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah: Biotin, Iron, Zinc, Vitamin D iyo Protein.
-
Nafaqo la’aanta waxaa badanaa sababa cunto aan isku dheelitirnayn ama xanuunno kale.
5️⃣ Cudurrada & Daawooyinka
-
Cudurrada sida macaanka, cudurrada qanjirka tayroodhka (thyroid), iyo cudurrada difaaca jidhka waxay sababi karaan timo-daadasho.
-
Daawooyinka qaar sida kuwa kansarka (chemotherapy), dhiig-karka, iyo qaar ka mid ah daawooyinka stress ka ayaa sidoo kale saameeya timaha.
6️⃣ Gabowga (Aging)
Marka da’da la gaadho, timaha ayaa si dabiici ah u yaraanaya.
-
Xididdada timaha ayaa si tartiib ah u yaraada.
-
Timaha cusub oo soo baxa waxay noqdaan kuwo khafiif ah oo aan cuf lahayn.
7️⃣ Xanuunada Maqaarka Madaxa
Xaalado maqaarka madaxa ah sida toxob (dandruff), infection, ama finanka madaxa waxay xannibi karaan xididdada timaha, taas oo sababta in timaha ay dhacaan.
Maxaa La Sameeyaa Haddii Timuhu Daataan?
-
La xidhiidh dhakhtar si loo ogaado sababta saxda ah.
-
Samee daryeel joogto ah oo timaha iyo madaxa ah.
-
Hubi inaad cunto, cunto caafimaad leh oo nafaqooyin buuxa leh.
-
Isticmaal daawaynta casriga ah sida PRP (Platelet Rich Plasma) iyo Timo-Beeris FUE haddii daadashadu ay noqoto mid joogto ah.
📍 Goobtayada:
Fooqa Cumar Xaashi, Dabaqa 4aad, Qolka 418, Deero Mall, Hargeysa
📞 063 800 0545
📲 @galatahairclinic
💬 Gunaanad
Timo-daadashadu waa arrin ay sababi karaan dhowr sababood — laga bilaabo hormoonno ilaa nafaqo la’aan. Xalka ugu wanaagsan waa in si degdeg ah loo ogaado sababta, kadibna loo qaato daawayn ku habboon.
Galata Hair Clinic waxaannu bixinnaa baadhitaan caafimaad iyo xalal casri ah oo ku habboon baahidaada.