
Maxaa Dhaca Maalinta Qalliinka Timo-Beerista?
Marka aad go’aansato inaad sameysato timo-beeris, su’aasha ugu badan ee dadka soo booqda Galata Hair Clinic ay na waydiiyaan waa : “Maalinta qalliinka maxaa la sameynayaa?”
Waxaan rabnaa inaad fahanto talaabo kasta, si aad u timaaddo adig oo og talaabo kasta oo la qaadayo.
1️⃣ Soo Xaadiridda iyo Soo Dhawaynta
Maalinta ballantaada, waxaad imanayso xilliga lagu heshiiyay.
-
Shaqaalahayaga ayaa si diirran kuugu soo dhawayn doona.
-
Waxaa lagu hubin doonaa magacaaga iyo faahfaahinta ballanta.
-
Waxaa lagu siin doonaa qolka nasashada si aad uga dhigato bilow raaxo leh.
2️⃣ La-talin Degdeg ah oo Dhakhtarka ah
Kahor inta aan la bilaabin:
-
Dhakhtarka ayaa mar kale eegaya qorshaha qalliinka iyo goobaha timaha laga qaadayo (donor area) iyo meelaha la beeri doono (recipient area).
-
Waxaa la samayn doonaa sawirro kahor qalliinka si loo diiwaangeliyo xaaladda timahaaga.
-
Waxa la xaqiijinayaa natiijada la filan karo iyo qaabka timaha lagu beerayo.
3️⃣ Saxiixid & Ogolaansho Rasmiga ah
-
Waxaa lagu siin doonaa foom ogolaansho caafimaad si aad u xaqiijiso inaad fahantay nidaamka, waqtiga uu qaadanayo, iyo daryeelka kadib.
-
Shaqaalahayaga ayaa ku sharxi doona qayb kasta, si aanay u jirin wax qarsoodi ah.
- waxa lagaa qaadi doona waraaqaha baadhitaanka xanuunada gudba ee laguu diray.
4️⃣ Diyaarinta & Qaadista Sawirada Kahor
-
Dhakhtarku wuxuu calaamadin doonaa meelaha laga qaadayo timaha iyo meelaha lagu beeri doono.
-
Waxaa lagu diyaarin doonaa sariirta qalliinka si aad ugu raaxaysato inta hawshu socoto.
5️⃣ Qalliinka FUE ee Casriga ah
-
Waxaa lagu siin doonaa suuxdin deegaanka ah (local anesthesia) si aadan wax xanuun ah u dareemin.
-
Kooxda caafimaadka ayaa timaha ka soo qaaday donor area iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah.
-
Timahaas ayaa si taxaddar leh loogu beeri doonaa meelaha loo baahan yahay, iyadoo la ilaalinayo jihada iyo cufnaanta dabiiciga ah.
6️⃣ Nasasho & Kormeer Kadib
-
Waxaa lagu siin doonaa tilmaamaha daryeelka guriga — sida loo dhaqdo, daawooyinka la qaato, iyo waxa laga fogaado.
-
Waxa la qorshayn doonaa ballanta kormeerka ugu horreeya, si loo hubiyo bogsashada iyo koritaanka timaha.
📌 Maxaad Ka Filankartaa Maalinta Qalliinka?
-
Ammaan iyo nadaafad heer caalami ah
-
Qalliinka oo aan xanuun lahayn
-
Koox caafimaad oo khibrad leh
-
Natiijo dabiici ah oo joogto ah
📍 Goobtayada:
Fooqa Cumar Xaashi, Dabaqa 4aad, Qolka 418, Deero Mall, Hargeysa
📞 063 800 0545
📲 @galatahairclinic (Instagram, TikTok, Facebook)
💬 Gunaanad
Marka aad timaaddo Galata Hair Clinic, maalinta qalliinka waa mid nidaamsan oo lagu kalsoonaan karo. Waxaan hubinaynaa inaad ka baxdo adigoo fahansan talaabo kasta oo dhacaysa — una diyaarsan safarka timahaaga cusub.