Cuntooyinka Ugu Fiican ee Kobciya Koritaanka Timaha

Cuntooyinka Ugu Fiican ee Kobciya Koritaanka Timaha

Daryeelka timahu ma aha shaambo iyo serum oo keliya — waxa uu ka bilaabmaa gudaha jidhkaaga. Nafaqooyinka saxda ahi waxay kiciyaan xididdada timaha, waxayna ka hortagaan daadashada. Halkan waxaan ku sheegi doonna 6 cunto ee ugu fiican timaha caafimaadka qaba:

1. Kalluunka Dufanka Leh (Salmon, Tuna, Sardines)

Waxay hodan ku yihiin Omega-3 oo timaha ka dhigta kuwo dhalaalaya, una caawiya xididdada inay helaan dhiig ku filan.

2. Beedka

Ukuntu waxay ka buuxaan biotin iyo protein, kuwaas oo ah walxaha ugu muhiimsan ee dhismaha jirida timaha.

3. Lawska iyo Sisinta

Cuntooyinkaasi waxay bixiyaan Vitamin E iyo zinc, kuwaas oo ka hortaga in xididdada timuhu daciifaan.

4. Khudaarta Cagaaran 

Waxay ku badan yihiin iron iyo folate kuwaas oo dhiigga ku daraya oksijiin badan oo timaha gaadha.

5. Avocado

Waxaa ku jira Vitamin E oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka madaxa iyo xididdada timaha.

6. Hilibka Lo’da iyo Digaaga

Waxaa ku jira protein iyo iron oo ka hortaga in timaha si fudud u go’aan ama u daataan.


Talo Dheeraad ah

Marka cuntada caafimaadka leh lagu daro biyo cabis badan iyo hurdo ku filan, timahaaga waxay helayaan taageero buuxda.


Gunaanad

Haddii aad rabto timo xooggan oo caafimaad qaba, bilow inaad cuntada saxda ah ku darto nolol maalmeedkaaga.
👉 La tasho Galata Hair Clinic si aad u hesho qorshe nafaqo iyo daawayn wada socda.

📞 063 8000545
📍 Fooqa Cumar Xaashi, Qolka 418, Hargeysa

Back to blog